Madaxweyne Shariif “Xukumada Rw Gaas ma ahan mid wax so magacaabi karta”

Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Xukuumada haatan jirta ee uu horkacayo Raiisul wasaaraha DKMG ah C/wali Maxamed Cali Gaas mid aan soo saari Karin go’aamo si rasmi ahna aysan u shaqeyn Karin maadaama wasiirka 1aad ee DKMG ah uu u taagan yahay Xilka madaxtinimada Soomaaliya .

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa hadalkan sheegay ka dib markii la weydiiyay Su’aal quseysay go’aan golaha wasiirada ee xukuumada FKMG ah ay ku beeniyeen magacaabis mamdaxweynuhu ku soo kordhiyay deegaano iyo Dalacsiin saraakiil.

Waxa uu sheegay sheegay in gebi ahaanba aysan shaqo ku laheyn golaha wasiirada magacaabida gobolada iyo dalacsiinba balse ay leedahay wasaarada arimaha gudaha  in ay isla fiiriyaan madaxweynaha oo qura .

“Mar hadii uu isa soo sharaxay raiisul wasaaruhu xukuumadiisii si active ah uma shaqeyn karto” ayaa ka mid ahaa hadalada madaxweyne shariif Sh Axmed .

Madaxweynaha Dowlada ayaa maanta dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana uu ka yimid shirka Wadamada Islaamka oo ka socday dalka Sacuudiga oo looga hadlayay arimo badan oo ay arimaha Soomaaliya ku jiraan.

SBC International Qardho

Daalacatey :506

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print