Madaxweyne Shariif Oo Digreeto ku Dalacsiiyay Saraakiil DKMG ah

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa waxaa lagu dalacsiiyay in ka badan 240 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Asluubta DKMG ah ee Soomaaliya .

Digreetadan ayaa lagu dalacsiiyay saraakiishan ka tirsan Ciidamada Asluubta ee gacanta ku haya xabsiyada magaalada Muqdisho, waxaana loo dalacsiiyay jagooyin kala duwan oo ay ka mid tahay gaashaanle dhexe, Gaashaanle sare, iyo xidigaal.

Madaxweynaha Dirgeertadiisa waxa uu ku sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo lafdhabata u ah hagida iyo Maamulka qeybaha kala duwan ee Xabsiyada .

Cabdi maxamed Ismaaciil Taliyaha Ciidamada Asluubta DKMG ah ayaa ku tilmaamay arinkani Talaabo muhiim ah oo xiligan la qaaday islamarkaana qeybaha kala duwan ee ciidanka Asluubta yihiin kuwo maanka ku haya in sare loo qaado.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay tahay mid dhiirigelin u ah ciidamada Asluubta intii aan ka dhexmuuqana in ay heli doonaan fursad tan la mid ah.

Ciidamada Asluubta ayaa xiligan howsha ugu weyn ee ay qabtaan waxaa ka mid ah gacan ku heynta Maxaabiis ku jirta Xabsiyada DKMG ah kuwaasi oo u badan dhalinyaro lagu soo qabtay falal kala duwan oo amaanka wax u dhimaya.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.

Daalacatey :545

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print