Muqdisho- Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa maanta booqasho kooban ku tagay wasaaradii hore ee gaashaandhiga ee ay dhowaan dowlada KMG ah ciidamadeeda iyo kuwa Amisom ay gacanta ku dhigeen .

Waxaa booqashada ku weheliyay madaxweynaha wafdi ka kooban wasiirka gaashaandhiga DKMG ah iyo xubno ka mid ah ciidamada Xooga dalka sida taliyaha ciidanka

Madaxweynaha ayaa halkaasi Ciidanka kula hadlay waxaana uu u sheegay ciidamada Dowlada KMG ah  iyo kuwa Amisom in ay halkoodii ka sii wadaan dagaalka ay kula wareegayaan deegaanadii ay ku sugnaayeen mucaaradka, isagoo soo qaatay hadalka ah in cadowgii uu jabay sida uu hadalka u yiriye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale salaan ka qaatay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Amisom intii ay safarka ku jireen, oyadoona ay booqashadani noqoneyso sida lagu saleeyay mid lagu niyad dhisayo ciidamada Qaranka .

Sikastaba ha ahaatee waxa ay ku soo aadeysaa safaradan booqashada ah ee uu madaxweynuhu baraarujin ugu tagayo ciidamada xooga dalka iyo kuwa Amisom ee ku sugan aaga hore ee dagaalka xili ay jiraan khilaafaadyo xoogan oo xareeyay madaxda sar sare ee DKMG ah sida gudoomiyaha Baarlamanka iyo golaha wasiirada iyo madaxweynahaba.

Cali Luckyman
SBC International Muqdisho.