Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka jawaabay hadalo maamlmihii ugu dambeeyay ka soo baxayay qeybaha kala duwan ee Buslada iyo Xildhibaano ka mid ah Baarlamanka kaas oo ahaa in uu lunsasho qaran sameeyay.

Madaxweyne Shariif oo ka qeyb gala Munaasabad ayaa sheegay in golaha wasiirada uu kula dar daarmayo in ay shaqadooda wataan islaamarkaana aysan maqlin hadalada ka soo baxaya shaqsiyaad ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xildhibaanada baarlamanka,

Waxa uu intaasi ku daray in cidwalba oo u heysa Marqaati in uu lacag lunsaday uu diyaar u yahay in ay isa soo hor istaagaan sidoo kalena ay ka jawabaan hadalkaasi

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Qeybaha kala duwan ee Bulshada ugu baaqay in ay kalsooni sameeyaan, isagoona u sheegay in dowladu ay howlo badan u yaaliin, riixayaana howl ay ka tagtay xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Raiisul wasaarihii hore Maxamed C/lahi Farmaajo .

Sikastaba ha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah eedeymo qeybaha kala duwan ee saxaafada ay u gudbiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada DKMG ah iyo qeybo ka mid ah bulshada, waxayna ku soo aadeysaa xili uu dalku ku jiro xaalad aad u qatar badan oo ay jiraan macluul saameysay dad aad u farabadan islamarkaana isugu soo ururay caasimada Dalka.

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho.