Boosaaso- Wefdi Balaaran oo uu hogaamaniyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa manta lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Waxaa wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Duleedka Boosaaso kaga hortagay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bari Oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Sheekh C.xaafid Cali Yuusuf Duqa Magaalada Boosaaso MAxamuud Faarax Beeldaaje & Masuuliyiin kale

Madaxweyne ku xigeenka & wefdigiisa ayaa saaka Waaberkii waxay ka soo kicitameen Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland 

Madaxweyne ku xigeenka & Wefdigiisa markii ay gaareen Xaruta Madaxtooyada waxaa halkaasi ereyo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf Isaga oo sheegay inay ka maamul Gobol ahaan soo dhaweynayaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Dhageyso Codka Gudomiyaha Gobolka & Madaxweyne ku xigeenka Puntland:

[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/04/Cod-C.samad_.mp3|titles=Cod C.samad]

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Ka dib halkaasi ka hadlay isaga oo sheegay inuu Magaalada Boosaaso u yimid Howlo Shaqo oo ka mid ah Shaqooyinka Guud ee Masuuliyiinta Waxaana uu xusay inuu kulamo kala duwan la qaadan doono Masuuliyiinta Gobolka & Degmada Boosaaso.

Daawo Sawirada

 


 

SBC International Monitoring