Madaxaweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-5-2015 si rasmi ah hoolka Baarlamaanka Puntland uga furay shirweynaha ka hortagga argagixisada iyo istaraatijayada dabargoynta argagixisa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Shirweynahaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Culimo udiin isaga kala timi guud ahaan Dalka Soomaaliya , Wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumadda Puntland , Golaha garsoorka Puntland, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland qeybtood, Haween, Dhalinyaro, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo Gobolada Puntland ka yimi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dawladda Puntland ku amaanay dadaalka horumarineed ee ay ka gaartay ladagaalkanka Al-shabaab, waxaana u shacabka ugu baaqay in dhankooda kamidaysnadaan la dagaalanka kooxdaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa sheegay in muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo dabar goyn lahaa Ururka Al-shabaab, waxaana uu shacabka reer Puntland ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay ku diidan yihiin kooxdaasi laba jibaaraan.

” Inagoo aaminsan Ilaah waa in aynu kuligeen u diyaar garowno sidii aynu isaga celin lahayn Burcad diimeedka Al-shabaab oo cadow ah cidnana aan dhaafayn , hooyo dhaafayn , aabe dhaafayn oo xataa aan walaal iyo culimaba dhaafayn ” Ayuu yiri Eng. Camey.

” Waxaan umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan u sheegayaan in umaddani isku cadow yihiin , waxaa la sheegayaa inay jiraan dawlado iyagu xiriir iyo hashiis hoose la leh argagixisada , Puntland marnaba kuma talagelin inay xiriir la samayso hadana la samaynmayso ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Cabdixakiin Camey.

Shacabka reer Puntland dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan ayuu Madaxweyne ku xigeenku ka dalbaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha kala duwan ee amaanka Puntland Si Looga Awood Roonaado Ururka Al-shabaab Oo Dagaal Adag Kula Jirra Puntland.

Daawo sawiradda:

IMG_2536 IMG_2546 IMG_2547 IMG_2550 IMG_2560 IMG_2562 IMG_2564 IMG_2565 IMG_2568 IMG_2569 IMG_2573 IMG_2576 IMG_2579 IMG_2581 IMG_2583 IMG_2584 IMG_2585 IMG_2588 IMG_2590 IMG_2596 IMG_2598 IMG_2599 IMG_2600 IMG_2601 IMG_2603 IMG_2605 IMG_2606 IMG_2608 IMG_2609 IMG_2615 IMG_2616 IMG_2620 IMG_2625 IMG_2626 IMG_2631 IMG_2632 IMG_2634 IMG_2636 IMG_2638 IMG_2640 IMG_2641 IMG_2649 IMG_2658 IMG_2662 IMG_2665 IMG_2666 IMG_2670 IMG_2676 IMG_2678 IMG_2679 IMG_2681 IMG_2682 IMG_2684 IMG_2685 IMG_2686 IMG_2687 IMG_2688 IMG_2689 IMG_2690 IMG_2691 IMG_2695 IMG_2697 IMG_2698 IMG_2708 IMG_2711 IMG_2715 IMG_2721 IMG_2724 IMG_2729 IMG_2730