Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa maanta ugu hambalyeeyay umada Soomaaliyeed Maalinta xuska xornimada gobolada waqooyi ee dalka oo ku beegan 26da June oo berito ku beegan.

“waxaynu wada ogsoonnahay in 26ka juun ay tahay Maalintii ugu horeysay oo uu calan Soomaaliyeed oo ka babado Korkeena, sidaas darteed waxaan jeclahay in aan u hambalyeeyo dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan umada ku nool goboladii uu gumeysan jiray Ingiriiskii gumeysanayay” sidaasi waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabsi samad Cali shire.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo saxaafada kula hadlayay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayuu sidoo kale ugu hambalyeeyay maalintii xornimada ay ka qaateen gumeysigii Faransiiska umada ku dhaqan dalka Jabuuti oo iyana ku beegan 27ka Juun.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Garoowe ka soo diray Wariye C.naasir Yaasiin Salaad.RIIX AMA DAAR

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umada Soomaaliyeed iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Boqorka Beelaha Daarood Boqor C/laahi Boqor Muuse.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe