Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa manta dib ugu soo laabtay gudaha dalka isaga iyo wafdi uu horkacayo, waxaynu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyadoo ay halkaasi ugu tageen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada iyo shacabka .

Madaxweyne Xigeenka Puntland ayaa markii uu soo degay waxa uu la hadlay saxaafada isagoona sheegay in intii uu dalku ka maqnaa uu ku maqnaa arimo dan u ah Puntland iyo mid isaga u gaar ahba, dhamaantoodna sidii la rabay ay ugu soo dhamaadeen.

Waxa uu madaxweynu carabka ku dhuftay dhacdooyinkii dhacay intii dalku ka maqnaa balse uu iminka ilaahey ugaga mahad celinayo dadka iyo dalka oo nabad ah uu u soo laabtay.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka Punland uu ku yimid magaaladan Boosaaso ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili uu dalku ka maqanyahay Madaxweynaha Dowlada Puntland C/laxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Daawo Sawirada.

 

SBC International Boosaaso