Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland ayaa maanta kulan saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtoyada Magaalada Garoowe waxa uu kaga warbixiyay safaro dhowaan uu ku soo maray qeybo ka mid ah wadamada Deriska .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ayaa taabtay in ugu horeyntii safar uu ku tagay dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Soomaalida Ethiopia uu kula kulmay madaxda maamulkaasi islamarkaana ay ka wada haleen arimobadan oo ay ka mid ahaayeen Amniga Siyaada iyo Dhaqaalaha, Maadaama dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay xiriir ka leeyihin dhanka xadka Dowlada Punland.

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku in halkaasi si weyn oo aad uu ula dhacay loogu soo dhaweeyay islamarkaana dhamaan waxyaabihii ay ka wada haleen ay si fiican isula meel dhigeen .

Gen C/samad waxa uu sidoo kale ka hadlay in intii ay ku guda jireen safarada dalkaasi Itoobiya ay ku marayeen isaga iyo wafdigiisu ay ku guuleysteen siideyta mudane ka tirsanaa golaha wakiilada Puntland oo mudo halkaasi ku xidhnaa, inkastoo uusan madaxweyne ku xigeenku sheegin sababaha uu u xirnaa xildhibaanka .

Sikastaba ha ahaatee Maalin nimadii shalay ayay aheyd marki uu madaxweyne ku xigeen C/samad Cali Shire uu ku soo laabtay Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.