Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyadeeyay Geerida Taliye kuxigeenkii Police-ka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo saaka ka qeyb galay Aaska Alaha u naxariistee Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Police-ka Puntland Gaashaanle sare C/laahi Saalax Maxamed oo ay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay ku dileen gudaha magaalada Garoowe ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu Taliyuhu ka baxay.

C/samad Cali Shire ayaa sheegay in ay soconayaan Baaritaano ay wadaan hay’adaha Amniga ee Xukuumada Puntland ayna aamin san yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigi doono dadkii ka dambeeyay dilka Taliye ku xigeenka.

Waxa uu intaasi ku daray madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha in Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland aysan ka jiri jirin qalaalasaha amaan tanina ay noqoneyso midii labaad ee ka dhaca indhowaale magaaalada Garoowe.

Sikastaba ha ahaatee xalay fiidkii ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay taliyaha ku toogteen gudaha magaalada Garoowe kuwaasi oo markii ay falka geysteen baxsaday.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC INternational Garoowe

Daalacatey :718

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print