Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa gelinkii dambe ee shalay garooonka kubadda cagta mira awaare ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe kaga qeyb-galay ciyaar ku badeed lagu maamuusayey sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Puntland.

Ciyaarta oo u dhaxaysa laba kooxood oo ka kala socday Gobolka Nugaal iyo Gobolka Kar-Kaar ayaa waxaa u soo daawasho tagey Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Saraakiil ciidan iyo sidoo kale boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimi guud ahaan Gobolada Dalka.

Xiisaha ciyaarta oo soo jiidataya dhammaan dadkii daawaneyey ayaa ku soo idlaatay natiijo 2:0 waxaana guulaystay oo koobkii madasha oolaa qaatay kooxdii Gobolka Nugaal.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo markii ay soo dhammaatay ciyaarta hadal kooban jeediyey ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu hambalyeeyey munaasibadda koowad agoosto , waxaana uu koobab iyo bilad sharafyo gudoonsiiyey ciyaaryahanadii labada Gobol.

Eng . Camey waxaa uu sidookale sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn quluubta shacabka Puntland , waxaana uu alle uga baryey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo .

DAAWO SAWIRADA:

IMG_4213 IMG_4528 IMG_4523 IMG_4522 IMG_4519 IMG_4509 IMG_4508 IMG_4507 IMG_4504 IMG_4496 IMG_4493 IMG_4490 IMG_4487 IMG_4482 IMG_4481 IMG_4477 IMG_4472 IMG_4472 IMG_4468 IMG_4465 IMG_4463 IMG_4462 IMG_4460 IMG_4459 IMG_4457 IMG_4455 IMG_4453 IMG_4452 IMG_4448 IMG_4446 IMG_4445 IMG_4436 IMG_4433 IMG_4432 IMG_4428 IMG_4426 IMG_4424 IMG_4420 IMG_4419 IMG_4418 IMG_4417 IMG_4410 IMG_4404 IMG_4403 IMG_4400 IMG_4399 IMG_4397 IMG_4396 IMG_4395 IMG_4383 IMG_4375 IMG_4373 IMG_4372 IMG_4370 IMG_4369 IMG_4368 IMG_4367 IMG_4353 IMG_4352 IMG_4350 IMG_4349 IMG_4345 IMG_4343 IMG_4340 IMG_4334 IMG_4328 IMG_4327 IMG_4322 IMG_4320 IMG_4319 IMG_4318 IMG_4317 IMG_4309 IMG_4299 IMG_4298 IMG_4295 IMG_4292 IMG_4276 IMG_4273 IMG_4269 IMG_4268 IMG_4266 IMG_4261 IMG_4260 IMG_4253 IMG_4244 IMG_4236 IMG_4224