Boosaaso-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa manta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso isaga oo ku socda Safar Dalka Dibadiisa ah.

Gen.C/samad Cali Shire ayaa wariyaasha waxaa uu kula hadlay intii aanu bixin Garoonka Diyaaradaha ee Bandarqaasim waxaana uu sheegay in ujeedka Safarkiisa uu yahay inuu tago Wadamada Isku taga Imaaraadka Carabta & Sidoo kale wadanka Malaysia oo uu sheegay inuu u tagi doono Howlo Shaqo

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNE KU XIGEENKA P/LAND
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/04/Madaxawaynaha-ku-xigeenka-puntland-safar.mp3|titles=Madaxawaynaha ku xigeenka puntland safar]

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay inuu howlo shaqo u joogay Magaalada Boosaaso isaga oo  sheegay inuu kulamo uu la qaatay Masuuliyiinta Magaalada Ganacsiga Puntland ugu balaaran ee Boosaaso ay Wax badan isla afgarteen

Gen. C/samad waxaa intii aanu ka anbabaxin Garoonka Diyaarada uu ugu baaqay Guud ahaanba Shacabka reer Puntland inay ka shaqeeyaan Amaanka Guud ee Deegaanada Puntland Islamarkaasina iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo amni daro ku keeni kara.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa sii sagootiyay Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland Sida Golaha Xukuumada Maamulka Gobolka Maamulka Degmada & Dadweyne kale oo aad u farabadan

Filo Sawirada Goor dhow….

SBC International Monitoring