Madaxweynaha wadanka Masar Mohammed Morsi oo sanadkii hore qabtey hogaaminta wadankaasi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu wadey talaabooyin xoogan oo uu si adag isgaa duwayo hogaamiyeyaashii kaga horeeyey madaxtinimada wadankiisa, kuwaasi oo ay ugu weyn yihiin xoojinta iyo dhaqan galinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo dalka Masar sanad ka hor ka aheyd mid Maamulku aanu siin muhiimad balaaran.

Mohammed Morsi wuxuu dhawaan ku dhaqaaqay arin aad iyo aad u soo jiidatey muslimiinta Dunida, isagoo baal marey madax badan oo dalalka Islaamka oo xiliyada ay ku jiraan shirarka ama khudbadaha ay dhaafto Salaada kuwaasi oo qaarkood xili dambe salaada ka gaarsiiya, inkastoo ay jiraan kuwa lagu xanto inaanay wajigaba dhigin oo aanay Salaada oogin.Morsi_AFP

Madaxweyne Mohammed Morsi oo dhawaan ka jeediyey khudbad magaalada Qaahira ayaa loo sheegay in la gaaray xiligii salaada Cishaha, isagoo xiligaasi ku jirey khudbad uu jeediyey oo Tv-yada Live ama toos ka aheyd, markii loo sheegay in xiligii salaada la joogo ayuu madaxweyne Mohammed Morsi wuxuu ku dhaqaaqay aadaankii Salaada Cisho arintaasi oo si weyn u soo dhaweeyeen ummada reer Masar iyo guud ahaan dunida Islaamka, iyadoo lagu tilmaamay Mohammed Morsi in uu yahay hogaamiye wax badan ka duwan madaxda caalamka Islaamka oo danahooda gaarka ah ka hormariya tukushada salaada gaar ahaan xiliyada ay shirarka ama khudbadaha ku jiraan.

Hogaamiyeyaal fara badan oo dunida Muslimka ayay ku adag tahay inay joojiyaan khudbadahooda ama shirarka ay ku jiraan xiliyada la gaaro salaada, halka kuwa kalena aanay u saamixin dadka ay la hadlayaan inay salaada oogaan.

Link-ga video hoose riix si aad u aragto sida uu noqdey dareenka Madaxweyne Mohamed Mosri xiliga uu adimayo iyo qiirada Ummadii uu la hadlayey maashaa ALAAH.

VIDEO

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London