Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ayaa maanta Gaaray Dagmadda Qardho ee Gobolka Kar-kaar.

Madaxweyne Gaas Ayaa saaka ka Ambabaxay Magaaladda Boosaso Oo Mudooyinkii Udanbeysay Uu Ku Sugnaa, waxaanna isaga iyo wafdigisii si diiran Loogu soo dhaweeyay Dagmadda Qardho, Iyadoo Soo Dhaweyntiisa Ay Ka Qeybqaateen madaxda Maamulka Gobolka Iyo kan Dagmadda Qardho.

Gudoomiyaha Gobolka Kar-kaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan Oo La Hadlay SBC Ayaa inooga Waramay Booqashadda Madaxweynaha ee dagmadaasi, Wuxuunna sheegay In Madaxweynuhu Uu Dhagax Dhigay BOG-CAD Ama Dhul Balaaran Oo Loogu Talagalay In Ay Dagaan dadka Yameniyiinta Ah Ee Ka soo Cararaya Dagaaladda Ka Socda Dalka Yemen.

Dhinaca Kale Wuxuu Bogaadin Usoo jeediyay Kooxdii Ku Ciyaaraysay Magaca Dagmadda Qardho Ee Kaalinta Labaad Ka Gashay Tartanka Kubadda Kolayga Ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradan Afrika Kaas Oo Mudooyinkii Danbe Ka Socday Dalka Tanzania.

Shalay Ayeey Aheyd Markii Dalka Tanzania Lagu Soo Gaba Gabeeyay Tartanka Kubadda Kolayga Ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika Waxaanna Xulka Dagmadda Qardho Lagu Reebay Ciyaar Kama Danbeys Ah Oo Shalay La Ciyaareen Koox Ka Socotay Dalka Masar.

SBC, News.