Madaxweyne Gaas ayaa Maanta Booqday Xarumo Dhowr Ah Oo Ku Yaalla Magaaladda Boosaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta ay dawladda Puntland Boosaaso uga samaysay qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen, Garoonka diyaaradaha Boosaaso, xarunta ciidanka Birmadka Puntland iyo sidookale xarunta ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa booqday xarunta lagu soo dhaweeyo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, waxaana booqashadiisa ku wehliyey safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland mudane Asmalaash iyo xubno wasiiro iyo xildhibaano isugu jira oo katirsan dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu warbixino la xariira xaalada qaxootiga ku sugan gudaha xarunta ka dhagaystay gudiga Gurmadka oo ay dawladdu wakiilatay, maamulka xerada iyo qaxootiga oo uu dhammaantood xogwaraystay, waxaana ay dawladda Puntland uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee walaalnimada leh ee ay u soo dhaweeyen.

Safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland Mudane Asmalaasha ayaa dawladda iyo shacabka reer Puntland si wadajir ah uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay gacanta iyo soo dhaweynta ugu sameeyen walaalahooda ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawlada Federaalka ugu baaqay in Dhaqaalaha loogu soo dhiibo dadka masaakiinta ah ay uso gaarsiiyaan sida loogu talagalay,isagoona raaciyey in PuntlandIlaahay dartii u caawinayso dadka usoo qaxaya ee ka imaanaya dalka Yemen.

Madaxweyne Gaas ayaa intaa ka gadaal booqday xerada ay duleedka magaalada Boosaaso ka dagan yihiin ciidanka Birmadka Puntland oo howlo laxiriira xaqiijinta amaanka Puntland kawada gudaha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Barri.

Waxaana uu ciidanka uu la kulmay ku bogaadiyey howsha wanaagsan ee ay wadaan , isagoona kula dardaarmay in shacabkooda ula dhaqmaan si wanaagsan meelna looga soo wada jeesta ladagaalanka koox diimeedka Ururka Al-shabaab iyo cidkasta oo wada falal amniga Puntland lid ku ah.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo ay ka socoto dhimaha dhabada ay diyaaraduhu ko ordaan ayuu kula kulmay maamulka iyo howlwadeenada wada howshaa, waxaana ay warbixin buuxda ka siiyeen halka ay shaqadu marayso, waxaana lagu wadaa in wakhtigii loogu talagalay lagu soo gebagebeeyo si shacabka reer Puntland garoon caalami ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale booqday xerada ciidanka badda Puntland PMPF ee Gobolka Barri waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo ciidamada kusugan xaruntaas.

Cutubyo katirsan ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa madaxweynaha siiyey salaan sharaf, waxaana uu uga mahadceliyey howlaha muhiim ka ah ee ay shacabkooda u hayaan, kuna bogaadiyey dardar gelinta shaqada adag ee loo idmaday.

Daawo sawiradda Booqashadda:

IMG_4132 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4137 IMG_4139 IMG_4156 IMG_4160 IMG_4170 IMG_4202 IMG_4225 IMG_4226 IMG_4227 IMG_4236 IMG_4251 IMG_4256 IMG_4284 IMG_4298 IMG_4307 IMG_4317 IMG_4329 IMG_4332 IMG_4333 IMG_4338 IMG_4341 IMG_4342 IMG_4347 IMG_4350 IMG_4357 IMG_4367 IMG_4382 IMG_4388 IMG_4390 IMG_4395 IMG_4425 IMG_4431 IMG_4448 IMG_4473 IMG_4475 IMG_4508 IMG_4509 IMG_4513 IMG_4540 IMG_4546 IMG_4548 IMG_4550 IMG_4552 IMG_4560 IMG_4571 IMG_4575 IMG_4579 IMG_4609 IMG_4614 IMG_4615 IMG_4616 IMG_4619 IMG_4624 IMG_4626 IMG_4634 IMG_4647 IMG_4651 IMG_4655 IMG_4661 IMG_4668 IMG_4674 IMG_4690 IMG_4696 IMG_4697 IMG_4708 IMG_4709 IMG_4711 IMG_4712 IMG_4717 IMG_4722 IMG_4723 IMG_4741 IMG_4745 IMG_4749 IMG_4753 IMG_4756 IMG_4757 IMG_4759 IMG_4761 IMG_4766 IMG_4768 IMG_4770 IMG_4773 IMG_4778