Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee shalay ka qeyb-galay geba-gebada tartanka todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland oo ka soconayey xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Garoowe.

Wasiiro , Xildhibaano, Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Marwo Hodan Siciid Ciise, Waxgarad, Isimo , Cuqaal , madax ka socotay hay’addaha caalamiga ah ee ka howgala gudaha Puntland, Haween, Dhalinyaro, Tartamayaal ka kala socday Gobolada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa iyana ka soo qeyb-galay munaasibadda.

Xubnaha u tartamayey Gobolada Puntland qeyb-tood ayaa soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Puntland , waxaana ay si aad ah indha-hooda u soo jiidatay dhammaan masuuliyiintii daawanayey oo uu ugu horeeyey Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad ugu bogaadiyey dhalinta tartamaysay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan soo noolaynta dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliya ku caanbaxday.

” Waxaan aad ugu faraxsanahay in Puntland ay soo bandhigtay inay tahay umadd dhaqankeeda ku faanaysa , dhaqankeeda hirgelinaysa adkaysanaysana dhaqankeeda kuna faanaysa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa hambalyo kal iyo laab ah udiray dhammaan dhalinyaradii ka kala timi Gobolada Puntland ee ka qeyb-galay tartanka  todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland oo si hambsami leh u qabsoomay.

” Runtii waa wax aad loogu farxo inaynu weli dhaqankeeni haysano waana arin aad iyo aad u wanaagsan , weyna muuqataa doorka wanaagsan ee haweenkeenu ku leeyihiin soo noolaynta dhaqanka weyna ku mahadsanyihiin ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Mudadii uu socday tartanka ayaa dhammaan tartamayaashii ka qeyb-galayey soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka , waxaana ay madashi isu badashay goob dhaqan, maalinba maalinta ka dambaysana xiisaha tartanku waxaa uu ahaa mid sii siyaadayey.

Daawo sawiradda:

IMG_6932 IMG_6934 IMG_6936 IMG_6945 IMG_6961 IMG_6964 IMG_6969 IMG_6970 IMG_6973 IMG_6988 IMG_7001 IMG_7005 IMG_7041 IMG_7047 IMG_7049 IMG_7075 IMG_7079 IMG_7080 IMG_7083 IMG_7092 IMG_7095 IMG_7097 IMG_7099 IMG_7114 IMG_7122 IMG_7125 IMG_7126 IMG_7127 IMG_7138 IMG_7141 IMG_7144 IMG_7151 IMG_7160 IMG_7163 IMG_7167 IMG_7179 IMG_7182 IMG_7191 IMG_7205 IMG_7238 IMG_7248 IMG_7249 IMG_7255 IMG_7258 IMG_7260 IMG_7263 IMG_7264 IMG_7265 IMG_7267 IMG_7269 IMG_7273 IMG_7275 IMG_7278 IMG_7282 IMG_7293 IMG_7298 IMG_7300 IMG_7302 IMG_7304 IMG_7312 IMG_7313 IMG_7315 IMG_7322 IMG_7323 IMG_7330 IMG_7332 IMG_7335 IMG_7336 IMG_7338 IMG_7339 IMG_7341 IMG_7344 IMG_7348 IMG_7351 IMG_7355 IMG_7357 IMG_7358 IMG_7365 IMG_7369 IMG_7371 IMG_7372 IMG_7373 IMG_7380 IMG_7381 IMG_7382 IMG_7383 IMG_7390 IMG_7405 IMG_7415 IMG_7420 IMG_7423 IMG_7426 IMG_7429