Madaxweynaha Dowlada Puntland  Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa soo xiray shirweynihii Ansixinta Dastuurka Cusub ee Puntland oo maanta lagu soo ku soo gaba gaboobay Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa halkaasi ka jeediyay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoona halkaasi ka sheegay in maanta Puntland ay u soo hoyatay Guul wax ku ool ah islamarkaana lagu talaabsaday Dimuqraadiyad,

Waxaana uu madaxweynuhu uga mahad celiyay Dhamaan ergadii ka kala socotay gobolada iyo weliba Diblumaasiyiintii Caalamiga aheyd ee goob jooga ka aheyd Shirka Dastuurka Puntland.

Xaflada lagu Ansixinayay Dastuurka ayaa waxaa sidoo kale hadalo khiimo badan ka kala jeediyay masuuliyiin badan iyo xubno ka tirsanaa diblumaasiyiintii caalamiga aheyd ee ka soo qeyb galay kulanka iyadoona ay dhamaantood sheegeen in talaabo horumarleh ay ku talaabsatay dowlada Puntland.

Dastuurka Cusub ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansaxay ka dib codeyn laga qaaday Ergadii ansixin laheyd iyagoona ugu codeeyay in dastuurka cusubi uu yahay hada laga bilaabo Ansax .

Codad iyo Sawiro aan ka soo qaadnay Goobta Shirka iyo dadkii ka hadlay kaga bogo wararka dambe.

SBC International Garoowe