Wefdi Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed ayaa ka anbabaxay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar oo uu mudooyinkan madaxweynaha uu u joogay sidii loo xalin lahaa khilaaf ka dhextaagan Beelo deegaankaas wada Degan

Madaxweynaha ayaa waxaa uu u socdaalay deegaano kale oo ka tirsan isla Gobolka Karkaar oo ay taalo googol Nabadeed oo lagu heshiisinayo Beelo Deegaankaas wada Dega Waxaana Wefdiga Madaxweynaha intii ay ku sii socdeen Degmada Rako ay kulamo la sii qaadeen Masuuliyiinta Degooyin ay ka mid tahay Degmada Banderbayla ee Gobolka Karkaar.

C/raxmaan Sheekh Maxamed oo ay wefdigiisa ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland ayaa waxaa ay deegaanada ay u socdaaleen waxay joogi doonan Maalmaha So socda waxaana uu madaxweynaha Safarkiisa Deegaanada Gobolka Karkaar uu noqonayaa Markii ugu horeysay oo uu Deegaanada Laamiga ka baxsan u socdaalo tan iyo Markii loo dioortay Xilka Madaxtinimada P.land

Wixii ku soo kordha kala Soco Allsbc.com