Madaxweyne Faroole oo saxiixay buugii tacsida ee Raysal warihii itoobiya

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gudoomiyaha Barlamanka Xubnaha golaha wasiirada ayaa maanta si wada jira waxaa ay u saxixeen buuga Tacsida loogu dirayey Raysal Wasihii Dalka itooboya oo Geeriyooday kadib maarkii ay maanta socod ku tageen Qunsuliyadda Ittobiya ay ku leeyihiin Puntland .

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay  ku simaha Quslulka itobiya u fadhiya Puntland Abreha  oo shegay in uu ahaa Meleze ahaa nin wax wayn ka badalay dalka itoobiya kuna dhaqay dimuqradiyada ku dhisan dhaqaalaha dalka kor u qaaday,

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed  Maxamud  Faroole oo ka dib markii uu saxiixay buuga hadal jeediyay ayaa sheegay in Rasyal Wasarihii Hore ee itoobiya uusan ka dhiman itoobiya balse ka baxay Qarada afirka oo dhan.

Itoobiya iyo Somaliya waxaa ay hayeen saxiibka isugu dhow calamka marka loo fiiriyo dalalka dariska ah waxaana la oran karaa in uu sigaara ula shaqayn jirey Maleze Maamulada hada laga sameeyay Somaliya ka dib burburkii Dowladii dhexe oo uu siin jiray tageero aan la muujin jirin dhinacyada tababarada Ciidamada iyo sanado hub ah .

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe

Daalacatey :491

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print