Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa Maalmahan ku Sugnaa Gobolka Hayland,waxana ay Shir lagu Taageerayo  Xisbiga Horseed ay ku qabteen Degmada Dhahar.

Furitaankii Kulankaasi waxa ka hadal ka jeediyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire oo Sheegay in Ujeedkoodu ahaa inay Reer Hayland u soo Bandhigaan Qorshaha ah in loo Diyaar Garoobo Doorashada Golayaasha Deegaanka oo dhawaan qabsoomaysa.

Dr Siciid Xasan Shire ayaa Ka Dhawaajiyay in Gobolka Hayland Shacabkiisa looga Fadhiyo inay la shaqeeyaan Xisbiga Talada dalka Haya ee Horseed si ay Hormuud ugu Noqdaan oo Gobolada kale ugu Daydaan.

Shirkaasi waxa ka dhex Muuqday Cuqaasha Gobolka, iyo Wafti Xildhibaano ah oo Meteliyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Hayland, sidoo kale waxa hadalo Dhiiri galin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed Faarax Ciise Jeentaro, iyo Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka Amaanka Axmed Xuseen Doonyaale oo dhamaantood Sheegay in Xisbiga Horseed uu Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo wax kasta  oo Dani ugu Jirto Deegaanka.

Gaba Gabadii ayaa khadka Telefoonka waxa soo Galay Madaxwaynaha PL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Mahad balaadhan u Jeediyay Xubnihii Kulankaasi ka soo qayb Galay.

Madaxwaynaha ayaa Shacabka Hayland u balan qaaday in Xukuumadiisu ay il Gaar ah ku eegayso cid kasta oo kala shaqaysa sidii loogu Gudbi lahaa Hanaanka Dimuqraadiyada isla markaana taageero u Muujiysa xisbiga Hogaanka haya ee Horseed.

Sawiro
DSC01920 - Copy DSC01922_1 DSC01923_1 DSC01925 DSC01928_1 DSC01934 DSC01935 DSC01939 DSC01957 DSC01971 DSC01997

Xafiiska Wasaarada Xananada Xoolaha Puntland

Garoowe, Somalia