Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Maxamed iyo Qaar ka mid ah Golaha wasiirada Dowlada Puntland ayaa Kormeer Saaka ku tagay Xarumo a ku jirto Dekada Magaalada Boosaaso iyo sidoo kale Xafiisyada Wasaaradaha Dowlada Qaarkood.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu horeyn Taagay Dekada Magaalada Boosaaso oo horey looga Fuliyay Mashruuc Haagaajin ah oo lagu nadiifinayay Biyaha Dekada ee ay ku soo xirtaan Gadiidka ganacsiga Keena Dekada Boosaaso .

Dr C/raxmaan faroole ayaa waxaa uu Warbixin ka dhageystay Masuuliyiinta Wasaarada Dekadaha oo uga warbixiyay Sida Mashruucaas loo soo gabagabeeyay iyo Xaalada Xilligan Ee Dekada Boosaaso iyo shaqooyinka ka socda

Wasiirada Madaxweynaha Socdaalka Booqasho ku weheliyay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raage ,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire ,wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Eng.Maxamed Faarax Aadan. Wasiiro Kale, Agaasimayaal

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sidoo kale Booqday Xarumaha Wasaaradaha Dowlada sida Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasaarada Arimaha gudaha iyo Goobaha Kaluumeysiga ee Boosaaso

C/raxmaan Maxamed Faroole waxaa inta uu joogo Magaalada Boosaaso uu booqashooyin ku tagi Doonaa Xarumaha Muhiimka ah ee Dowlada waxaana uu Sidoo kale kulamo la qaadan doonaa Qeybaha kala duwan ee Bulshada

Dr faroole ayaa shalay Soo gaaray Magaalada Boosaaso isaga oo socdaal Kaga soo kicitimay magaalada Garoowe ku soo Maraya Magaaalooyin ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland

Inta uu joogo Bossaso ayaa madaxweynuhu tagi doonaan meelaha ugu muhiimsan magaalada,waxana sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la yeeshey qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari.

Sawirada





 Maxamed Saciid Yuusuf
SBC International Boosaaso