Garoowe– Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Maanta Magacabay Agasimaha Ha’yada AIDSka Puntland (Punland ADIS Commision) PAC kadib Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa oo uu ku qeexay Kadib markuu arkay dastuurka Puntland baahida loo qabo Habsami u socodka Shaqada Ha’yada iyo wayo aragnimada aqoonta uu leeyahay Dr C/raxamaan Maxamuud Siciid Dhaga wayne oo loo  Magacaabay Agasimaha Ha’yada Pac

Agaasimaha Mahan Mid ku cusub Ha’yada waxaa uu horay u ahaa Maamulka Faroole isla Agaasimaha Ha’yada PAC balse wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire uu shaqadii kaga fariisiyay Sababo aan xiligaasi lagu sheegin wareegtada mudo sanad iyo Bar laga  joogo.

Dr C/raxmaan Siciid Maxamuud waxaa uu horay xilal wasiiro uga soo qabtay Dowladihii C/laahi Yusuf Axmed iyo Gen, Cade Muuse Xirsi isagoo soo qabtay  Xilalka wasiir Dowlaha Madaxtooyada iyo wasiirka caafimaadka, halka asaskii Puntland ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada xiligaas oo aysan jirin wasiro ku xigeeno xubnaha wasiraduna ay ahayeen 9 wasiir halka ay hada marayaana in kabadan 50 wasir iyo ku xigeenka oo farqi wayn u dhaxeeyo.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe