Garowe waxaa manta ay kala sinayd Dunida muslimka ah gudashada salada Iidul adxa iyo farxada dadka oo ku soo labisaty dharkooda kii ugu quruxda badnaa iyadoo maanta kumanaan dadwaynaha ay ay saladii Iida ay kula tukadeen Misajidka Saxaba ee Magalada Garowe Madaxda Puntland oo uu ugu horeeyay Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole golayasha xukumada iyo sidoo kale Raysal wasarihii hore ee Somaliya C/wali Maxamed Cali Gaas

Inkastoo manta Goobaha loo asteeyay in lagu oogo salada ay ahayeen kuwa sanadihii hore aan lagu tukan jirin sababo la xirira roobab idbada jooga oo ka da’yayey Garowe tan iyo shalay ilaa maanta oo dadkuna aad ay ugu diirsadeen

Inta aan loo guda galain salada ayaa waxa qudbado ka soo jeediyey Halkaasi Madaxdii ka qayb shay ogida salaada iyo Culumowdiin

Shiekh C/qaadir Nuur Farax waxaa uu ka mid ahaa culumowdiinka ka hadlay waxaana uu dadka faray in ay mar walba ka shaqeeyan wanaaga taas oo uu ula jeeday muslinta tan kaliya ee ilahay ugu dhawanayan

Islaan Ciise Islam Maxamed oo isna hadlay ayaa shacabka iyo xukumada ku adkeeyay in ay iska kaashadaan amaanka ay haystaan sidii ay u adkeyn lahayeen

Raysal wasarihii Hore ee Somaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ahan xildhibaan Ka tirsan Barlamanka Dowlada Federalka ah ee Somaliya ayaa ka waramay marxalda hada ay marayso somaliya

Ugu danbayntii ayaa Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole dadka muslimiinta ah ugu hanbalyey Iidul axmdaa isagoo waxaana uu ka hadlay soo magacabida Wasirada cusub ee Dowlada Ferelka loogana fadhiyo Raysal wasahaha Cusub wasiro tayo leh sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay Faroole Arrimaha Jubooyinka

Marka laga yimaado Saladii ciida waxaa ay ahayd Garowe maanta mid ka duwan iidiihii hore marka loo firiyo raxmada eebe oo ay ka da’day Roobab caruurta iyo dadka dhalinyarada ah waxaa laga dhehan karay wajiyadooda farxad iyagoo ku salamayey iid Mubarak kulu caam wantu bil kheyr