Madaxweyne Faroole oo Maanta kormeero ku tagay Jaamacadaha kuyaala Boosaaso

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C,raxmaan faroole iyo wadi ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa waxaa maanta booqashooyin gaaban ay ku tageen jaamacada Muqdisho qeybteeda Boosaaso iyo jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso.

Waxa ay kula kulmeen booqashadooda madaxweynaha ardayda iyo masuuliyiinta jaamacadaha ay tageen iygoo ka dhageystay warbixino ku aadan jaamacadahaas.

Madaxweyne C/raxmaan faroole ayaa lahadlay ardayda jaamacadahaas isagoo u jeediyay qudbado ku aadan sidii ardaydu kaalimo buuxa uga qaadan lahaayeen arimaha Nabadgeliyada iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ardayda u jeediyay hadalo guubaabo ah oo ku aadan in waxbarashadadooda ay noqoto mid dalka waxtar u noqota iyo in ardayda ay kala shaqeeyaan laamaha amaanka dowlada cidii wax u dhimeysana ka qabtaan.

Sawiro







SBC INternational Boosaaso

One Response to Madaxweyne Faroole oo Maanta kormeero ku tagay Jaamacadaha kuyaala Boosaaso

  1. mohamed hassan says:

    maansha alaah waxaan arday ayaa noo baxayaa marka dalka ayey u adeegayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII