Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa magaacabey guddi baaritaan iyo qiimeyn khasaare ka sameeya dadbkii ka kacey Bosasso 03 December,2011 iyo hantidii ku bas beeshey.

Waxana ay u qornayd warqadan sidan hoos ku xusan:

DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA

Xeer Madaxweyne Lr,139 ee December 03,2011 kuna saabsan magacaabid Guddi.
Madaxweynha Dowladda Puntland

Markuu arkey:                                                      Dastuurka Puntland
Markuu arkey:                                                      Xaaladda musiibada dabkii ka dhacey magaaladda
Bosaso ee galafsatay khasaaro balaaran oo naf iyo
Maalba ah.

Wuxuu xeeriyey:
Waxaa la magacaabey Guddi sare ee Xukuumo oo daraasad ka soo sameeya khasaarihii uu geystey dabkii ka dhacey 03/12/2011 magalada Bosaso iyo wixii sababay dabka ,waxayna kala yihiin:

1-Khaliif Ciise Mudan                              Wasiirka Amniga & DDR
2-Maxamuud Faarax Beeldaje               Wasiiru-dowlaha Ganacsiga & Warshadaha
3-Maxamed Ciise Lacle                            Wasiir-xigeenka Dekedaha Guud & Gadiidka Badda
4-Cabdishakuur Mire Aadan                   Wasiir-xigeenka howlaha Guud & Gadiidka
5-Cabdisalan Maxamed Galan                Guddomiyaha Gobolka Bari
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo ,waana uu saxiixey.

Xigasho Madaxtooyada Puntland