Maanta goor barqadii waxaa magaalada Garoowe xarunta Puntland soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole kaasi oo mudo safaro ku joogay wadamada Deriska siiba dowlada Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sioweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe iyadoona ka dib soo dhaweyn loo gelbiyay dhanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaasi oo uu saxaafada kula hadlay madaxweynaha, waxaa isagu halkaasi ugu horeyn ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kaga warbixiyay madaxweynaha xaaladaha dalka intii uu ka maqnaa soo wajahay isla markaana ku soo dhaweeyay madaxweynaha magaalada Garoowe.

Madaxweyne Faroole ayaa halkaasi sidoo kale kula hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in safaradii ay ku maqnaayeen ay ka soo qeyb galeen kulamo balaaran oo dan u ah umada Soomaaliyeed iyagoona dhamaantood ku soo dhameystay isfahan,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arimo badan oo kala duwan oo ay ka mid aheyd waxyaabihii kulamadii ay soo qaateen looga wada hadlay iyo arimaha ka taagan dalka siiba isagoo sheegay in siweyn loogu riyaaqay dadka qaarkiina ay u qaadanwaa ula noqotay horumarkii dowlada Puntland ay ku talaabsatay ee aheyd in ceel shidaal qodistiisa ay bilowdo.

Ugu dambeytii Safarka madaxweynaha uu ku yimid magaalada Garoowe waxaa ku weheliyay oo ay isku safar ahaayeen madaxweynaha maamulka galmudug iyo Raiisul wasaaraha DKMG ah oo iyagu islamarkiiba ka laabtay Garoonka diyaaradaha.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe