Boosaaso- Madaxweynaha dowlada Puntland ee Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo kula hadlayay warbaahinta xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso Ayaa sheegay in dilalka ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay qaar ka mid ah Magaalooyin ka tirsan Puntland ay ka danbayso DKMG ee Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale sheegay in DFKMG ay horay u soo hubaysay jabhada SSC kuna taageertay dhaqaale iyo dhiirigalin si ay qalqal amaan dari ah u galiso dadka Ku abtirsada Puntland kuwaasoo ku naalooda nabad iyo nolol. sida uu sheegay madaxweynuhu.

Faroole ayaa intaasi ku daray waa sida hadalka uu u dhigay’e  in jabhadaasi ay u suuroobi wayday ama ay u hirgali Wayday taas badalkeedana ay DKMG ee Soomaaliya ay ku bedeshay dilalka qarsoon sida Uu hadalka u dhigay waxaana uu sheegay in puntland lagu hungoobayo cid walba oo Amaan daro wada.

Madaxweynaha Puntland Cabdi raxmaan Faroole ayaa sheegay hadalkan mar uu soo Gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari isagoo ka soo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaasoo maalontii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso