Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo todobaadkan magaalada Kampala ee caasimada wadanka Ugandha kaga qayb galey shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya looga hadley ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kampala wuxuu kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Ugandha  Mr. Sam Kutesa.

Wasiirka arimaha dibada Ugandha Mr. Sam Kutesa wuxuu booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha Puntland hotel-kii uu degenaa, Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa ayaa wadahadal ku yeeshay hoolka shirarka ee hotel-ka Speke Resort.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda waxay ka wada hadleen xaalada guud iyo marxalada ay marayso Somalia waqtigan, iyo gaar ahaan arrimaha Puntland, halkasoo Madaxweynuhu u balbalaariyay Wasiirka xaaladda dhabta ah ee Somalia iyo tan Puntland.

Gabogabadii Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaaran u jeediyay shacabka iyo Dowladda Uganda howsha nabad-ilaalinta ee Muqdisho ka hayaan ciidanka AMISOM, Sidoo kale, wuxuu aad uga mahad celiyay shacabka iyo dowladaba sida ay u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.
Ka dib safarkii ay ku tageen magaalada Kampala ee caasimada Ugandha Wafdigii Puntland waxay soo gaareen habeenimadii Axada magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya, sida lagu xusey warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxweynaha Puntland oo SBC lagu soo gaarsiiyey fariimaha Internet-ka.

SBC News Desk