Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Wefdi ka socda Dowlada talyaaaniga ayaa manta si rasmi ah uga wada hadlay qorsha Bilaabida runway-gaa gaaroonka diyaaaradaha Boosaaso oo dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona

Madaxweyen C/raxmaan Faroole ayaa ugu horeyn ka hadlay kulanka oo sheegey in uu muhiim wayn u yahay dhismaha Garoonkaan dhamaan umada Puntlan, Waxana uu aad ugu mahad celiyey Shirkada Dhisaysa Garoonka, waxana madaxwanuhu caracaababey in dawlada Talyaanigu ay mar walba taagero u fidiso Dawlada Puntland ee isagu madaxda ka yahay.

Masuuliyiinta ka socotay Dowlada Talyaaaniga iyo Company-ga Dhisaya Howsha Dhismaha Wadada Diyaarada uu uu horkacayo Gusebo oo ka socday Dowlada Taalyaaniga ayaa goobta ka hadlay.

Waxana uu sheegey in dhismahan uu ka danbeeyey in la dhiso, Cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhaxeeya dawlada Puntland iyo hayada fududeysey dhismaha Garoonka oo leh xiriir aad u wanaagsan, waxana Eng hadalkiisa ku darey in goor dhow la soo afjari doono dhismaha garoonkan.

Kulanka oo ka dhacay isla Garoonka Boosaaso goobta Dhismaha laga Sameyn doono ayaa waxaa ka hadlay Cuqaal Waxgarad Ganacsato iyo Masuuliyin ka tirsan Dowlada kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay qorshahan.

Howsha xilligan la rajenyo In laga bilaabo garoonka diyaaradaha boosaaso waxaa ay fursad u noqoneysa Magaalada Dekada Leh ee Boosaaos oo maadaaba ay Magaalada Boosaaso tahay Magaalo Ganacsi oo Magacweyn leh.

Sawiro



Maxmuud cabdi Saciid Fantastic
SBC International Boosaaso