Muqdisho-[Allsbc.com]-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii magaalada Sharma Sheekh uga qeyb galay shir looga hadlayay Ganacsiga Qaaradda Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa labo cisho ku sugnaa dalka Masar, waxaana safarkiisa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Senator iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa madaxdii shirka ka qeyb gashay la wadaagay kheyraadka ay hodanka ku tahay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ee Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay kulamo la qaateen dhigooda Wasiiradii Afrika ee Shirka qeyb galay.