Madaxweynha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyey qalinlayda Soomaaliyeed ee ka qayb galay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay carwada buugaagta muddadii sadexda maalmood ah ee ay furnayd.

Qorayaasha ka qayb galay casho sharafta ayaa la wadaagay madaxweynaha caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa kula dar daarmay qoraayaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay aasaas u tahay nolasha. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey dadkii soo abaabulay carwadaan iyo dadaalkii dheera oo ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

SAWIRRO :