Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Masar ee Itixaadiya, halkaasi oo uu salaan sharaf ku qaatay, sidoo kalena loogu tumay Music iyo salaanta Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa safarkiisa waxa uu ku qotomaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al-siisii.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay waxa uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweyne C/fitaax Al-siisii, waxayna labada dhinac ka wada hadli doonaan xiriirka labada dalka, gaar ahaan dhismaha Ciidamada xoogga dalka.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Masar ku wargelisay inay ka soo qayb galaan kulan ka dhici doono Markaz Mutamataad Al-Azhar Qaacada Fusdhaad, halkaasi oo Madaxweynaha Soomaaliya Isniinta kula hadli doono dadka Soomaliyeed.