Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa Magacaabis ilaa iyo 4 Wasiir oo Cusub.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/7/2011 ayaa Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay 4 Wasiir oo ka tirsanaan doona Golaha Wasiirda Cusub ee Galmudug, Wasaaradahaas la magacaabay ayaa waxa ay ka la yihiin, Wasaarada Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Caafimaadka.

Wasaaradahaan ayaa Waxaa Wasiirada loo kala magacaabay la yirahdaa Wasiirka iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga Galmudug,  Xilkaas ayaa loo magacaabay Dr Maxamed Cali Nuur Xaaji,
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug, Xilkaas ayaa loo magacaabay Abshir Diini Cawaale,
Wasiirka Maaliyada Galmudug Xilkaas ayaa loo magacaabay Dr Cabdulaahi Jaamac Shire,
Wasiirka Caafimaadka X, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Galmudug Xilkaas ayaa loo magacaabay, Dr Xuseen Sheekh Nuur.

Madaxweyne Caalin ayaa U rajeeyay Masuuliyiintaan Cusub in Ay aqoontooda iyo Kartidooda, Wax ugu qaban doonaan Dadkooda iyo Dalkooda, Asagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula wareegaan Xilalka loo magacaabay, oo horay Wasiiro u hayn jireen, Caalin ayaa Carabaabay in uu si dag dag ah ku soo magacaabi doono Wasiirda inta harsan.

liibaan C/laahi Faarax Qaran
libaanqaran10@hotmail.com