Madaxweynaha Dawlad Gobaledka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin Ayaa Maanta oo Taariikhdu at tahay 1/09/2011 Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug, iyadoona Xilkaasi loo magacaabay, Mr Maxamud Guure Guuleed,
Sidoo kale waxaa la magacaabay Duqa Dagmada Gaalkacyo, waxaanu madaxweynuhu  Xilkaasi u magacaabay Dr Farxaan Xassan Jeey.Maxamed Axmed Caalin Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale Magacaabay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Hobyo, Waxaana Xilkaas loo magacaabay, Mr Maxamed Maxamud Guuleed {Gacaneey}, Dhanka kale Madaxweynaha Ayaa Duqa Dagmada Hobyo u magacaabay, Mr Maxamuud Maxamed Cawaale.Ugu danbaytii Madaxweynaha Dawlada Gobaledka Galmudug Maxamed Axmed Caalin Ayaa Masuuliyiintaan Cusub u rajeeyay in ay Xilkooda gudaa islamarkaana Waajibka saaran ay aqoonsadaan, waxaana laga doonayaa in ay wax ka badalaan Xaaladda Gobolada iyo Dagmooyinka loo magacaabay.Dhan walba hajirtee Madaxweynaha Galmudug ayaa mudooyinkaan looga fadhiyay in uu magacaabo Masuuliyiintii matali lahayd Gobolada iyo Dagmooyinka Mudug iyo Hobyo, maadaama la ogaa in uu horay u kala diran, waxaa sidoo kale la saadalin karin Isbadalka ay ku soo biirin karaan Masuuliyiintaan Cusub Gobolada iyo Dagmooyinka loo magacaabay.

Liibaan C/laahi Faarax Qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com