Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in uu ku mashquulsan yahay shaqo aan aheyn tiisa xafiiska aqalka cad ee looga arimiyo wadanka Mareykanka isagoo noqonay tabanare ciyhaareed.

Sheekadan la yaabka & qosolka leh ee uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Obama ayaa ka dambeysay ka dib markii uu shaley shaaca ka qaaday in uu qabanayo shaqo ah in uu tababaraha labaad u noqdo koox kubada basketball-ka ah.

Madaxweyne Obama ayaa khubad gaar ah oo uu jeediyey oo uu ugu tala galay maalinta aabaha aduunka oo dunida laga xusayo maanta ilaa beri gaar ahaan wadamada gaar ahaan wadamada Mareykanka, Canada & UK.
Obama ayaa sheegay in uu tababaraha labaad u noqonayo koox kubada basketball-ka ah oo ay ka tirsan tahay gabar uu dhaley oo lagu magacaabao Sasha.

“Maamulkeygu wuxuu ugu yaboohayaa taageero dheeraad ah oo xadidan ragga doonaya inay noqdaan Aabayaal wanaagsan” ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Obama.

Obama wuxuu sheegay in gabadhiisa Sasha ay aad ugu faraxdey markii uu warbaahinta ka sheegay inuu gabadhiisa

Madaxweynaha ayaa maanta oo ah Axad xiliga Mareykankana lagu jiro wali dabaaldega maalinta Aabaha wuxuu mashquul ku yahay inuu tababaraha labaad u noqdo kooxda ay ka tirsan gabadhiisa, isagoo hawshii hogaaminta wadanka ku larey shaqadan tababaraha kooxda basketball-ka.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com