Madaxweynaha Maamulka cusub ee Jubaland ayaa maalintii labaad safaro shaqo ku maraya wadanka Itoobiya gaar ahaan caasimadiida Adisababa isaga iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in safarkiisa uu ku joogo itoobiya uu yahay mid maamulkiisu ku muujinayo jiritaankiisa , xiriirka iyo wada macaamilka wadamada deriska la ah Soomaaliya .

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin gudaha dalkaasi Itoobiya in ay la kulmaan Madaxda sar sare ee dalkaasi Itoobiya kalana hadli doonaan arimaha ugu muhiimsan ee ah wada shaqeynta Maamulkiisa uu la sameynayo wadamada gobolka.

Waxaa xigi doona madaxweynaha Jubaland Safaro kale oo uu ku tagi doono deegaano kale oo ka tirsan dalkaasi Itoobiya siiba dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya sidaasi waxaa laga soo xigtay masuuliyiin ka agdhow.

SBC International News Desk.