Madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax ayaa  markii ugu horaysay kasoo hormuuqday Taleefishinka tan iyo wixii ka dambeeyay dhaawacyadii kasoo gaaray madaafiicdii lagu garaacay madaxtooyada Sanca ee dalka Yemen.

Cali C/lla Saalax ayaa ka hormuuqday Taleefishinka isagoona aan wax dhaqdhaqaaqa ah aysan samaynayn gacmihiisa,waxaana uu ahaa mid ku dhaganaa kusriga uu fadhiyay.

Madaxweyne Saalax waxaa uu diiday in uu iscasilo,iyadoona taa badalkeeda uu soo dhoweeyay wadahadal uu la galo Mucaaradka,isagoona sheegay in xalka Dalka uu ku jiro wadahadal.

Cali C/lla Saalax waxaa uu sheegay in uu soo dhoweynayo awood qaybsi,iyadoona sida uu sheegay ay lagama maarmaan tahay in wadahadalka lagu qaybsanyo awood uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Waa markii ugu horaysay oo Cali C/lla Saalax uu si rasmi ah taleefisinka uga soo hormuuqdo mudadii uu ku jiray Cisbitaal ku yaala dalka Sacuudiga,waxaana dadka dhaliila siyaasadiisa ay sheegeen in Saalax weli uu yahay mid ku madax adeegaya madaxtinimada dalkaasi Yemen.

SBC International Monitoring