Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo wareysi siiyay TV-ga NBC ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Isreal aysan weli go’aansanin inay weerarto Wadanka Iiraan oo xiisad la xiriirta hubka nuclearka ay kala dhaxeyso.

Mr Obama ayaa waxaa uu sheegay in ay muhim tahay in xiisada labada dhinac lagu xaliyo hab dublumaasi ah iyadoo uu xusay in ay muhiim tahay in Isreal ay xag u leedahay inay walaac ka muujiso hubka Nuclearka ee Iiraan.

Dowladaha Mareykanka iyo Isreal ayaa waxaa ay shaki balaaran ka qabaan in Dowlada Iraan ay khatar badan ku hayso caalamka iyadoo horumarineysa hubka sida aadka ah wax u gumaada ee Nuclearka .

Dowlada Iiraan ayaa dhinaceeda horey u sheegtay hubkeeda uu yahay mid nabad galyo oo aan wax dhibaato ah ku hayn caalamka oo dhan.

Bishii November ee sannadkii tagay ayay ahayd markii hayada QM u qaabilsan arimaha Nuclearka caalamka ay sheegatay in Dowlada iiraan ay tijaabisay qaar ka mid ah gantaaladeeda hubka .

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inay si aad ah uga shaqeyndoonan sidii ay uga hortagi lahaayeen in Iiraan ay hesho hub nuclear ah kaasi oo gobolka ay ku dhex haysto .

Xiisada Beesha Caalamka eek u aadan hubka nuclearka ee iiraan ayaa ah mid cirka ku shareeran iyado dowlada iiraan ay dhagaha ka xiratay hanjabaadaha ka imaanaya dowladaha reer galbeedka.

SBC International Monitoring