Madaxweynaha Syria ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Xumaah oo ahaa goobtii ugu weynayd ee ay ka dheceen banaabaxyadii balaarnaa ee maalintii Jimcaha .

Bashaar Al asad oo kasoo hormuuqday Taleefishinka ayaa sheegay in si rasmi ah uu xilka uga qaaday Axmed Khaalid C/alcasiis oo ahaa gudmooyihii gobolka Xumaah.

Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii banaabaxyadii ugu xooganaa ay ka dheceen Gobolo ay Xumaah kamid tahay,iyadoona guud ahaan banaabaxyadaasi ay galaafteen iin ka badan 26 qof oo naftooda ku waayay.

In ka badan 500,000 oo qof ayaa ka qayb qaatay banaabaxyadii loogu magacdaray Jimcihii tagitaanka,iyadoona si aad ah guud ahaanba dalkaasi ay ugu baaheen.

Weli waxaa kasii socda Syria banaabaxyada lagu diidan yahay Madaxweyne Bashaar Al asad,iyadoona sidoo kale Kooxaha xuquuqda Aadanah u dhaqdhaqaaqa ay ku eedeyanayaan Ciidamada Syria in ay si ula kac ah ay u tooganayaan shacabka banaabaxaya.

Syria ayaa kamid ah wadamada xiligan ay banaabaxyada isbadal doonka ah ay ka dhacayaan,waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku adkaysanayaa in aanu xilka ka dagayn..

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.