Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa  eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Rabbi ha u  naxaristee Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka Filand. 

Madaxweynahu Waxuu sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda  oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Boqorka  dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu. 

Sidoo kale Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  Boqorka uu door muhiim ah ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee ka dhacay  gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya sidoo kalana la soo shaqeeyey dowladdihii dalka soo maray. 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Marxuumku ka mid ahaa Odoyaashii iyo Siyaasiyiintii isku hawshay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

–         DHAMAAD –