25 Maalmood ka dib Madaxweyne Xasan Sheeq Maxamuud waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaas oo noqonaya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid).

Kulan gaaban oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ay goob joog ahaayeen labada masuul ee ugu sareeya dalka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa loogu dhawaaqay Raiisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) in uu noqdo, waxaana lagu wadaa in maamaha soosocda uu hortago golaha Baarlamanka Soomaaliyeed si ay u ansixiyaan.

Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) waa nin ku cusub maslaxa siyaasada Soomaalida waxaana uu ka mid yahay Ganacsatada waaaweyn ee Soomaaliyeed islamarkaana waa nin dalka ku sugnaa mudadii Burburka uu ku jiray dalka .

Umada Soomaaliyeed gebi ahaanteedba waxay u dhega taagayeen raiisul wasaaraha cusub ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhawaaqi doono kaasi oo iminka noqday Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid).