Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka yimid safar maalmo kooban qaatay oo uu ku tagay dalka Uganda si uu uga qeyb galo munaasabada xiligii ay gobanimada qaadatay Uganda.

Masuuliyiinta sar sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya siiba Raiisul wasaaraha cusub Mr Saacid, xildhibaano, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha Amaanka iyo saraakiishooda ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay Aadan Cadde International Airport.

Saxaafada ayaa uu hadal kooban siiyay Madaxweynuhu markii uu soo degay waxaana uu sheegay in safarkiisii Kampala uu ku soo dhamaaday si wanaagsan isagoona intaasi ku daray in kulamo ay la qaateen isaga iyo wafdigiisu madaxdii halkaasi isugu yimid ay ku soo dhamaadeen Guul iyo waxyaabihii la isku soo qaaday oo la isku afgartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh safarkan uu kaga yimid magaalada Kampala ee Uganda waxa uu u yahay safarkiisii ugu horeeyay oo uu dalka uga boxo tan iyo intii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.