Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho xarunta dalka

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen wasiirada arimaha dibadda iyo gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa waxay ka soo kicitimeen dhanka magaalada xarunta u ah dalka Itoobiya ee Adis Ababa halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay safar shaqo ku joogeen.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade International ee Muqdisho waxaa ku so dhaweeyay wafdiga Xubno sar sare oo ay ugu horeeyeen Gudoomiyaha Baarlamanka Prof Jawaari iyo Raiisul wasaaraha xukuumada Dr Saacid.

Safarka madaxweyne Xasan sheeq uu maanta ugu soo laabtay dalka ayaa waxaa uu ahaa mid uu ku soo maray dalal ku yaala geeska afrika aadna ugu dhow soo maaliya halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaasi.

SBC International Muqdisho