Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qudbad u jeediyay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka hor aqriyay Baarlamanka qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa taas oo uu kaga hadlayay arimaha amniga, Dhaqaalaha iyo hiigsiga 2016.

Waxa uu madaxweynuhu waxa uu sheegay in intii ay socotay howlaha dowladiisa ay wax badan u qabsoomeen qaarkoodna ay jirto in ay weli wax ka dhiman yihiin balse ay rajadu tahay in ay dhameystirmi doonaan.

Dhageyso qeyb ka mid ah Qudbadii madaxweyne Xasan Sheekh.