Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Xubnaha sar sare ee labada gole ee Dowlada Soomaaliya ayaa ku sugnaa Garoonka si ay u soo sagootiyaan wafdiga madaxweynaha .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa u duulay dhankaas iyo dalka Mareykanka waxaana lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan MAdaxda sar sare ee Wadankaasi iyo Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Mareykanka.

Arimaha horumarinta, Militeriga iyo xoojinta Xiriirka labada dal ayaa lagu wadaa in ay ku saabsanaadaan kulamada la rajeynayo in uu la qaato Madaxweyne Xasan xubnaha sar sare ee dalkaasi Mareykanka