Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa Garoonka Axmed Gurey ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo Maamulkiisa ka tirsan.

Madaxweynaha, ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kulamo kula lee yahay Madaxda Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa ujeedada uu u tagey Magaalada Kismaayo lagu sheegay, sidii uu u furi lahaa kulamada ay yeelan doonnaan Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland, ayaa casuumaad u fidiyay Dowladda Somaliya, dalalka deriska iyo beesha caalamka, si ay ugala soo qaybgalaan furitaanka Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laba toddobaad ka hor ka baaqsaday safar uu ku taggi lahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynuhu wuxuu Talaadadii hore uu safar ugu amba baxay Magaalada Garoowe, halkaasoo uu kaga qaybgalay Shirka Madasha Wadatashiga.

SBC, News.