Magaalada Ankara xarunta dalka Turkiga waxaa si toos ah uga furmay kulan u dhexeeya Madaxweyne yaasha Soomaalia iyo Soomaaliland waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanto.

Kulankan oo iminka soconaya ayaa waxaa ku weheliya Madaxda Labada dhinac Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Turkiga .

Lama yaqaan ilaa iyo iminka waxyaabaha sida rasmiga ah ay uga hadlayaan sedaxda dhinac inkatoo lagu wado in marka uu soo dhamaado kulankaasi ay saxaafada lahadlaan kana warbixiyaan waxyaabihii laga wada hadlay.

Kulanka Madaxda Labada dhinac ayaa labadii maalin ee ugu dambeeyay siweyn looga hadal hayay gudaha dalka iyo dibadiisaba waxaana loo badinayaa in kulamada dhexmaraya oo ah markii labaad in ay ka soo baxaan waxyaabo dan u ah umada Soomaaliyeed .