Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo Wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa waxaa ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi loogu sameeyay soo dhaweyn aad u sareysa,  waxaana Garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada Puntland sida madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, labada gole ee Dowlada iyo weliba dadweyne aad iyo aad u tirobadan, iyo weliba Raiisul wasaaraha DKMG ah iyo wafdigiisa oo isagu muudo laba maalin ka hor Garoowe soogaaray.

Ka dib gacanqaad iyo salaan uu madaxweynuhu ka qaatay cutubyada ciidamada bambeyda ayaa waxaa loo gelbiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa dhanka madaxtooyada Puntland ee garoowe halkaas oo lagu wado in goor dhow uu saxaafada kula hadlo madaxweynaha .

Faah faahin dheeraad ah kala soco wararkayaga dambe.