Bashaar al Asad Madaxweynaha wadanka Suuriya oo wareysi siiyay Televisionka Mareykanka ee ABC ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay danbi laawe isaga oo iska fogeyay in kala ceyrinta iyo laynta Dibadbaxayasha lagu dilayo gudaha wadanka Suuriya.

Madaxweyne Asad ayaa waxaa uu ku sheegay wareysiga uu bixiyay in uusan isagu bixin wax amar ah oo looga soo horjeesanayo dibad baxayaasha balse waxaa uu sheegay in dowladiisu ay gashay khaladaad laga geystay gudaha wadanka

Dibad baxyada wadanka Suuriya ka socda ayaa waxaa 10-kii bilood ee ugu danbeeyay waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 4,000 oo ruux sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyay in ciidamada amaanka ee wadankiisa ay dadkaasi tirade baadan laayeen waxaa uu warbixinta qaramada midoobay ku tilmaamay mid aan la rumeysan Karin isaga oo sidoo kale sheegay dhibaatada ka socota wadankiisa ay ku lug leeyihiin kooxo Tuugo ah oo hubeysan.

Wareysiga Madaxweyne Asad ayaa yimid Maalin ka dib markii dowlada Mareykanka ay sheegtay in Safiirkeedii Wadankaasi Mr Robert Ford uu ku laaban doono Caasimada Dimishiq oo uu ka baxay Bishii October ka dib markii xaalada amaanka wadankaaasi ay khatar gashay

Dhinac kale Dowlada Faransiiska ayaa safiirkeedii dalkaasi dib ugu dirtay Maalintii isniinta kadib markii ay sheegtay in xaalada amaanka wadanka ay isbadel kooban ay sameysay

SBC International Monitoring