Kulan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo gudoomiyasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu madaxweyna kula dardaarmay sida ay u adkeyn karaan Amaanka Caasimada iyo degmooyinkooda

Kulanka oo ay dhamaan goobjoog ka ahaayeen gudoomiyasha waxaa sidoo kale joogay gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamuud Axmed Tarsan oo mudooyinkan la hadal hayay in xilka Laga qaadayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay wararka suuqa la soo gelinayo ee ku aadan in la badelayo Gudoomiyaha oo kale ay yihiin  kuwo nidaamka khilaafsan xitaa hadii ay dhacdo in la badelo Gudoomiyaha mahan in suuqa warkaas oo kale uu yimaado nidaamka badalaa sidan wuu ka duwan yahay.

Madaxweynaha waxaa uu xusay in ay ku kalsoon yihiin howsha ay hayaan Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Hadalka Madaxweynaha waxaa uu meesha ka saaraya hadal hayn ku aadan in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir xilka laga qaadi doono loona dhiibayo nin ay isku hayb yihiin oo dalka dibadiisa ka yimid dhawaan.

Kulankan waxaa uu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqeynta hayadaha dowlada Iyo Masuuliyiinta DKMG iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amaanka Guud ee Caasimada. 

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International  Monitoring